Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo loo digay

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 942 views

Ka dib Markii Maalmihii lasoo dhaafay Maxkamad ku taalla Magaalada Kampala ay kasoo hormuuqdeen xubno ka tirsan Ciidankii dowladda Uganda ee ka howlgali jiray Soomaaliya,kuwaasooo loo heystay in falal ka baxsan howlgalka oo ay ka geysteen Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka dowladda Uganda ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Maxkamada Ciidanka ay uga digtay Ciidanka dowladda Uganda ee ku sugan Soomaaliya qabashadda Arrimo ka madax banaan howlgalka ay ka waddaan Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Uganda , Brig Richard Karemire ayaa sidoo kale xusay in tilaabo laga qaadi doono Askarta Ciidanka dowladda Uganda ee Soomaaliya ka geysta Xadgudubyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, Ama hareermarsan Hanaanka Nabadgaliyadda Soomaaliya.

Wuxuu kaga digay in ay iibsadaan shidaalka iyo cunada loogu talla-galay xoogaga Amisom, si aanay hadhow u wejihin Maxkamad, oo ciqaab adag ku ridi karta.

Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Uganda, ayaa billihii ugu dambeeyay ka soo muuqday Maxkamad ku taala Magaalada Kampala, markii lagu soo eedeeyay in musuq maasuq ka gaysteen dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response