Ciidanka xoogga oo kusii jeedda degaano ay ka baxeen Shabaab

by admin | Friday, Apr 9, 2021 | 295 views

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybtiisa degaanada Galmudug ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay ka baxeen degaano ku yaalla gobolka Galgaduud oo ciidanka xoogga ay kaabiga ku hayeen Saacaddihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa kusii durkaya Magaalada Ceel-laheley ee Gobolka Galgaduud oo iminka ujirta wax ka yar 20KM.

Taliska ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay ka guureen magaalada Ceel la helay, islamarkaana ay gaari doonaan saacaddaha soo socda.

Taliyaha Guutada 15-Generaal Mascuud oo ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan tan iyo inta Shabaab laga saarayo Ceelbuur.

Like it? Share it!

Leave A Response