Ciidankii Nabadsugida G/Banaadir oo loo bedelay Boolis

by admin | Sunday, Jul 29, 2018 | 1006 views

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ciidan oo ku sugan Magaalada Muqdisho Isbedel Ballaaran ayaa lagu sameeyay Ciidamada ka howlgalla gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir waxaa ka howlgalla Ciidan Nabadsuggid ah iyo sidoo kale Ciidamo Boolis ah oo lahaa labo Talis.

Hadda Ciidankii Nabadsuggida gobolka Banaadir oo ahaa Ciidan Muuqda oo hubeysan  waxaa loo bedelay Boolis.

Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho ka howlgali doona Ciidamada Nabad suggid ah, kuwaasoo si qarsoodi ah ku shaqeyn doona.

Taliyihii Nabadsuggida gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan Waxaa loo Magacaabay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Taliyihii Booliska gobolka Banaadir Maalin ayaa sidoo kale waxaa loo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaaladda Wadooyinka ee Taraafikadda.

Sidda ay  u xaqiijiyeen   warbaahinta  Saraakiil ka tirsan Booliska gobolka Banaadir hadda ka dib Amniga Muqdisho, waxaa sugi doona Ciidamo cusub oo Boolis ah.

Guud ahaan waxaa meesha ka baxay taliskii hubeysanaa ee Nabadsuggida gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response