CIQAAB: Ciyaartoy Ka Tirsan Barcelona Oo Lagu Xukumay 12 Sannadood Oo Xadhig Ah

by admin | Tuesday, Oct 16, 2018 | 967 views

Kuma badna ciyaartooyada inay galaan xabsiyada oo ay muddo dheer ku qaataan, dembiyada ay galaan intooda magac lehna waxay ku koobnaadaan kuwo waqti gaaban ah oo aan loogu dirin jeelka marka llaga reebo ciyaartooyo faro ku tiris ah oo waxyeello gaadhsiiyey dad kale.

Xiddiga reer Taurkey ee Arda Turan ayaa noqday ciyaartoygii ugu magaca weynaa ee muddooyinkan dambe lagu xukumo xabsigii ugu dheeraa, kaddib markii uu waxyeello gaadhsiiyey heesaa caan ah oo uu ka jabiyey sanka.

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa xukun ay soo saartay waxay ciqaab adag oo 12 sannadood iyo badh xadhig ah ku xukuntay Arda Turan oo sanka ka jabiyey heesaa caan ka ah dalkaas oo lagu magacaabo Berkav Sahin.

Inkasta oo uu beeniyey falkan uu sameeyey, haddana laacibkan Barcelona amaahda kaga maqan ee Turan ayaa waxa uu toos u geli doonaa xadhig muddo dheer ah oo kala dhantaali doona noloshiisa.

Baadhitaan ay sameeyeen ciidamada boolisku ayaa waxay ku ogaadeen in fannaanka Berkay oo ay weheliso xaaskiisa Ozlem Ada Sahin ay tegeen maqaaxi lagu caweeyo, halkaas oo ay isku af-dhaafeen Turan, isla markaana ay gacanta iskula tageen.

Azlem Adan Sahin ayaa u sheegtay wargeyska Haberturk in ciyaartoygu uu faallo ka bixiyey iyada oo odaygeeda ag-fadhida ka hor intii aanu xaajigeeda soo weerarin.

Si kastaba ha ahaatee, falkan uu ku kacay Arda Turan ayaa ka dhigan inay soo xidhmayso xirfaddiisii kubbada cagta oo haddii xukunkan sidiisa lagu qaado uu xabsiga kasoo bixi doono iyadoo ay da’diisu tahay 44 jir.

Like it? Share it!

Leave A Response