DAAWO: Imaaraadka oo Ciidamo Geeyay Jaziiradda Sokotra oo ku dhow Soomaaliya (SABABTA)

by admin | Friday, May 4, 2018 | 1159 views

Dibadbaxyo carreysan ayaa ka billowday jasiiradda Suqatra ee u dhow Soomaaliya kadib markii Imaaraadka ay geeyeen 100 askari oo lagu daad gureeyey afar diyaarad.

Dadka deegaanka ayaa taleefishinka Al-Jazeera u sheegay in afarta diyaarad ee Imaaraadka ay si sharci darro ah ku yimaadeen, si ay u cabsi geliyaan dowladda beesha caalamku ay aqoonsan tahay ee Yemen.

Jaziiraddaan ayaa kaliya 80 KM u jirta Soomaaliya, hase yeeshee waxaa lahaanshaheeda sheegta Yemen.

Muuaqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo ku qeylinaya erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Dadka deegaanka ayaa ka carreysan in ciidamada Imaaraadka ay ceyriyeen ciidamadii dowladda Yemen ee ilaalada ka ahaa jaziiraddan.

Dr Mohammed Jumeh

@MJumeh

سقطرى تهتف لليمن بحضور ابن دغر.
شعب نبيل،يعاني ويهتف لوطنه.
بالله عليكم مثل هذا الجمهور ألا يستحق أن تكونوا معه؟
إنه يبحث عنكم.
عودوا إليه.

Like it? Share it!

Leave A Response