Daawo Video Daawo Muqtaar Roobow oo Baydhabo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax

by admin | Thursday, Oct 4, 2018 | 861 views

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Baydhaba, iyadoo si aan hore loo arag loogu soo dhoweeyay magaalada.

Dadweyne fara badan ayaa safnaa wadooyinka magaalada iyagoo buux dhaafiyey wadooyinka magaalada, waxaana markii danbe la dejiyay Hotel Bakiin ee magaalada Baydhaba, iyadoo dadka isugu soo baxay soo dhoweyntiisa lagu sheegay kuwii ugu badnaa ee musharax soo dhoweeya.

Sheekh Roobow oo Hotel Bakiin Saxaafadda kula hadlay ayuu si rasmi ah u shaaciyey inuu u musharax yahay xilka madaxweynaha K/Galbeed, isagoo sheegay inuu dadka ka aqbalay codsigooda ah inuu hoggaamiyo maamulka K/Galbeed.

Sheekh Roobow wuxuu sheegay inuu jeclaa inuu ku dhex lugeeyo magaalada Baydhaba, oo shacabka uu dhex galo, balse xaaladda amniga darteed aysan u saamaxmeynin, waxaana hotelka bannaankiisa dhooban dadweyne fara badan.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu dhowaan saxaafadda la hadlo, isagoo aan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Codka Muqtaar Roobow.

Like it? Share it!

Leave A Response