DAAWO | X-X Q=24aad-X-X Bilow Ilaa dhamaad Taariikhdii & Faqrigii uukusoo koray Firminho & Dhaqtarkii badalay Noloshiisa

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 1021 views

Kulanti wacan oo wanaagsan daawaydaasheena qiimaha & qadarinta inaga mudan waxaad kusoo dhawaataan xalqadii 24aad ee Xubinta Xaqiiqooyinka xidigaha.

Xubintan oo aad si toos ah ugala socaneysaan Bogeena ayaa maanta waxaanu ku eegi doonaa Xalqada 24aad.

Maantana waxaan ku eegi doonaa Taariikhda Firminho.

Mudo badan waxa uu ku noolaa Xaqiraad, Cidna Majecleyn mana rumeysneyn Mowhibadiisa, waxa uu kaliya ahaa Wiil yar oo isku day sameynaya hadana Wax lasheegi karo aan Xaqiijin kaas oo kadib kusoo baxay Laacib lajecelyahay oo dad badan ay ku heesaan Magaciisa Waa Wiilka reer Brazil Robert Farminho kaasoo ku dabaqmeysa Weedha ah “Muhiim maaha waxkasta oo dhaca bilowga hadiiba Gabagaba tahay Mid Raali lagu noqon karo”, Muuqaalkan waxaan kusoo badhigi doonaa Xaqiijooyinka Boby Farminho.

Sida aylasocdaan Jamaahiirta Reds Faqriga Bar baarista Farminho, Biyo gade nimadiisii, Qisadii dhaqtarkii Ilkaha ee badalay Noloshiisa, Sida uu isugu badalay Laacib bur buriye & Weerar, labadii gabdhood ee uu bad baadiyey & Sababta ay mamnuuc uga tahay inuu ku biro Gunners Arsenal Dhamaan Umuurahaasi intaa & kabadan waxaad ku daawan doontaan Muuqaalkan oo kamid ah Sil siladaha xaqiiqooyinka oo idinkaga yimaada Barteena.

Roberto Farminho Barboso di Olivera waxa uu ku dhashay 2 dii Bishii October 1991, Magaalada Masayo ee Gobolka Alagos ee dalkaasi Brazil, Waxa uu kasoo jeedaa Qoys aad ufaqri ahaa aabihiis waa Jose Roberto Kordiro oo biyo ku iibin jiray banaanka Goobaha Xafladaha & Munaasabadaha Lagu dhigo halka Hooyadiis Marmria Borboso Di Olivera waxa ay aheyd Guri Joogto, Inkastoo Magaalada uu ku dhashay ay kamid ah kuwa ugu Qurux dalkaasi Brazil hadana aad bey u badnaayeen Dambiyada kala duwan ee ka dhaca waxaana Sababta ugu weyn ay aheyd faqriga oo aad ugu badnaa, Waxaana Hooyada Farminho mar walba ayka baqi jrtay in dambiyo uuku dhaco, Iyadoo udiidi jirtay inuu banaanka ubaxo balse waxa ay u ogolaatay inuu Aabihii raaco oo uu biyaha lasoo iibiyo si Daqliga kasoo gala loo Masruufto kaasoo ahaa isha kaliya ay ku Tiirsanneed Qoyska.

Robert Farminho waxa uu lamid ahaa canug kasta oo reer Brazil ah waxaa ku dhacay Jaceelka kubadda Cagta, Mana daneyn Jirin waxyaabo kale inta uu Daneynayey Kubadda Cagta, waalidiintiisa Waxa ay Rabeen in Xooga Saaro waxbarashadiisa lkn Boby Waxa uu waqtigiisa siin Jiray Kubadda cagta, Waxa uu Guriga ka bixi jiray Waqti hore waliba si aan la dareemin, Mowhibada Farminho waxa ay aheyd mid soo muuqatay Yaraantiisa, oo dadka dhanba waa Garanayeen, Gaar ahaan deriskooda oo ogaaday in Waalidkii ay udiidan Yihiin ciyaarista kubadda Cagta, Waa ay Utageen iyagoo mid ah ku yiro “Dhaaf ha ubaxo inuu Ciyaaro, Aad buu hibo uleeyahay Guushiisa waa Fursadii aan uga bixi laheyn Faqriga” Waana Wax Dhacay Ficil ahaan waxaana Firminho uuku biiray Naadiga Club Dirkans ee Heerka 2aad Horyaalka Brazil isagoo jira 13 Sano.

Mudo 4 sano oo uu halkaasi si aan toos aheyn uga Ciyaarayey waa isaga Tagay naadiga Waalidkii oo Go’aankaasi doonay aawadeed.

Farminho waqtigii uuku ciyaarayey Xaafadiisa Waxaa ka helay qaab ciyaareedkiisa Dhaqtar Ilkaha oo lagu Magacaabo Markilos Bortela waxaana uu Ogaaday inuusan Wax koox ah ka Tirsaneyn, Waxa uu usoo bandhigay inuu Caawiyo oo Tababarka uu sii wato isla markaana Fursad Fiican uheli doono si uu uga Mid noqdo Kooxaha waaweyn ee dalka Brazil, Isku daygii ugu horeeyey Farminho & Saaxiibkiisa waxa uu ahaa imtixaan ugalidii Jiilka Kooxda Soa Polo balse Kuma Guuleysan walow ad adeeg & Rabitaan dheeraad ah uu Farminho kasii qaaday, Mudo kooban kadibna waxaa Yimid Imtixaankii Naadiga Vikorenzi iyadoo  Wiilka Reer Brazil uu Ogaa kliya waxa laga Doonaya iney tahay inuu diirada Saaro Muhiimada, Isbuuc kadibna waxa uu kamid noqday Naadigaasi.

Hal Xili Ciyaareed kadib waxa uu  kamid noqday Shaxda Joogtada ah ee Kooxdaasi waxaana uuka Ciyaari jiray Qadka Dhexe oo Difaac ah Sababo ku aadan Awooda uu uleeyahay kubad heysashada, Bandhigiisa waxa uu soo jiitay Mamulka Kooxda & Kooxdaha kale ee Yurub gaar ahaan Kooxda Hoffienham ee Jarmal oo aakhirkii ku guuleystay inuu Biiro bishii January 2011.

Kasoo bilow Burburiye, Kubad abuure kadibna Garab midig & Bidix kahor inta uusan kudagin Weerarka waxaana uu awooday inuu 49 Gool dhaliyo inkabadan 100 Kulan uu uciyaaray Naadigaasi, 4 Xili Ciyaareed uuku qaatay halkaasi.

2015 kii Liverpool ayaa ku Najaxday iney kasoo dagiso qalcada Anfied Stadium kadib 29 Milyan oo Pound ay bixisay, Waxaana waqtigaasi dood Xoogan qiimaha Xidigaasi & Lacagahaasi oo latilmaamay ineysan isu dhigmin, Heshiiskiisa reds waxaa kujira Qodob layaab leh oo ah:-  In 98 Milyan oo Euro lagu bur burin karo Heshiiskiisa oo uu kubiiri karo Koox kasta Marka laga reebo Kooxda Gunners Arsenal waxaana Qodobkaasi loo sababeeyey Isku daygii Fashilmay Arsenal ay isku day day Bur burintii 40 ka Milyan ee dulsaarnaa Madaxa Suarez, kadib bandhigii quruxda badnaa ee 2013 kii uuka Sameeyey Liverpool oo aysan Madaxda Reds halmaamin.

Bilowgiisa hore Liverpool kuma soo muuqan Sifiican balse aakhirkii waxa uu Xidig muhiim unoqday Shaxda Reds .

Robert Firminho waxa uu Xiriir Jaceel la jilay Gabadha Caanka ah ee larisa Barera, kadib markii ayku kulmeen Goob lagu Caweeyo oo ku taala Brazil sanadkii 2014 kii, Waa uu Socday Xiriirkooda ilaa aakhirkii ay Go’aan sadeen iney Go’iwadaag Noqdaan, taas oo Xaflad Qurux badan oo Munaasabadaasi ku saabsan  Guurkooda Sanadkii tagay ay kudhigteen Magaaladii uuku dhashay ee Masayo ee dalkiisa, Farminho waxa ay Udhashay Larisa Laba gabdhood.

Wiilka reer Brazil waa mid kamid ah Xidigaha aadka ujecel iney Jirkooda Shaabadeeyaan, waxaana Jirkiisu ugu hadiyeeyey Shaabado loo eekeysiiyey Aabihii, Hooyadii & Canugtiisa Valentina, iyadoo dhabarkiisa Dambe kuqoray Kalmad Jarmal ah oo micnaheeda Yahay Jaceelka & kuwo kale oo kamid ah Alah Aamin, Farminho waa Masiixo ku ad adag Dhankaasi.

Warbixin dheer oo ayka Qortay daily Mail Wiilka Reer Brazil Boby Farminho gaar ahaan Xidigaha Xatooyada lakulmay, Waxaa dhacday Gurigiisa oo kuyaala isgoyga Marseside ay udhaceen Tuugo Hubeysan kuwaas oo ka qaatay Lacago gaaraya 70 kun oo Pound, &alaabo kale oo Muhiim ah.

Xidiga Xulka Saamba Brazil ayaa Sheegay mar uu lahadlayey Jariirada Miror in Qofka uuku daydo Uu yahya Xidiga caanka ee isku dalka Yihiin ee Ronaldinho, waxa uu kamid ahaa Kuwii ugu Fiicnaa ee aan daawado kubadda Cagta, Waxa uu inaga yeelay Dhaq dhaqaaq kasta oo ku saabsan inaan matalno Xitaa Dabaal dagiisa, Waxaana Farminho uu udabaal dagay Qaabkaasi mid kamid ah Goolashii uu u dhaliyey  liverpool geesta kale waxa uu Farminho Sheegay inuu siweyn ujecelyahay dhamaan Xidigaha Liverpool & Kuwa Dalka Brazil, Waxaana Saaxiib uu layahay Xidigaha Philipe Coutinho & Maxamed Salaax.

Markii lagu helay in isagoo cabsan Farminho gaari uu kaxeeyey taasoo ka mamnuuc ah Ingiriiska ayaa lasoo taagay Maxkamad, iyadoo aakhirkii lagu  Xukumay inuu Bixiyo 20 kun oo giniga istarliinka misna gaari uusan kaxeyn karin mudo sanad ah.

Laga yaabee in Shaqada farminho aysan kukoobneyn dhalinta Goolasha & Xaqiijinta Guulasha balse waxey ay Gaartaa caawimaada deg degga gaar ahaan dadka ubaahan, Waxaana tani ayka dambeysay markii uu bixiyey 60 kun oo Giniga istarliinta taas oo ka dhineed lacagihii Joel & kael lagu cilaajin lahaa Waxaana uu bixiyey Farminho Mudo sanad ah bar dhaqaalihii ku baxay lacaalida labadaasi gabdhood, qoyska Caruurtaasi ayaa siweyn ugu mahadceliyey Farminho & Xaaskiisa Larisa.

Like it? Share it!

Leave A Response