Dab ka kacay Dooxada Ooda-Gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood

by admin | Saturday, Feb 15, 2020 | 865 views

Dab xoog leh ayaa  ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool.

Dabkan ayaa ku sii fidaya deegaano horleh iyadoo ay socoto dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo.

Hase yeeshee qoysas faro badan oo degen baadiyaha Laas-Caanood ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda kadib markii dabka uu ku sii fidey deegaano badan.

Lama garanayo sababta keentay dabka,waxaana la sheegay in dabaylo dhacaya awgeed ay sahashay in si deg-deg ah uu ku sii fido.

Dooxada Ooda-gooye ayaa ah meel ku wanaagsan daaqsinka iyadoo ay ka mid tahay dooxooyinka waaweyn ee ku yaal gobolka Sool.

Like it? Share it!

Leave A Response