Dabka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Dhuusamareeb

by admin | Monday, Jul 13, 2020 | 465 views

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dab xoogan uu ka kacay goobo Ganacsi oo ku taalla Magaaladaasi,taas oo haatan demintiisa ay halkaasi ka socoto.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaalin lagu iibiyo Shidaalka oo ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug uu dabka ka kacay,isla markaana Bulshada Dhuusamareeb ay ku mashquulsan yihiin sidii loo demin lahaa.

Muuqaalo la soo geliyay Baraha Bulshada ayaa waxaa ay muujinayeen qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb oo biyo, Caro iyo waxyaabo kale isugu daraya si dambka loo demiyo,waxaana weli la soo werin khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response