Dacwad hor leh oo lagu soo oogaayo Madaxweynihii hore ee DDSI

by admin | Saturday, Jun 19, 2021 | 279 views

Xafiiska xeer ilaalinta dawlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya, oo muddo wadday baadhitaan ku saabsan tacaddiyadii iyo gabboodfalladii ka dhacay deegaanka, xilligii uu hoggaanka hayey madaxweynahii hore ee dawlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ay natiijadii baadhitaankaas u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka Itoobbiya.
Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xukumayey deegaanka muddo ku siman siddeed sabo, oo ka bilaabmayey 2010 illaa iyo laga gaadhayey 2018. Kaddib markii rabshado ka bilaabmay magaalada Jigjiga ay ku fideen deeganno kale oo ka tirsan gobollada bariga Itoobiya.

Waxaana uu illaa iyo hadda ku jira xabsi, iyada oo dhawr jeer maxkamad la hor geeyey.
Cabdiweli Jaamac oo ah xeerilaaliyaha dawlad deegaanka, ayaa BBC-da uga warramay bal waxa ay yihiin tacaddiyada ay gudbiyeen, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwii la galay tobankii sano ee u danbeeyey.
“Tobankii sano dhibaatooyin badan ayaa dhacay, tacaddiyo ballaadhan oo umadda soomaaliyeed loo geystay, waxa kaloo jira musuqmaasuq badan oo dawladdii xilligaa jirtay samaysay baa jirta, dawladda oo keliya maaha waxaa jira dad kalejeneraalladii halkan ka shaqayn jirey oo dhibaato badan dadka u geystay baa jira.” Ayuu yidhi Cabdiweli Jaamac, xeer ilaaliyaha dawlad deegaanka

Like it? Share it!

Leave A Response