Dacwadda soo jeedinta xil-ka qaadista Trump oo Senate-ka ka billaabatay

by admin | Wednesday, Jan 22, 2020 | 563 views

Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado.

Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha.

Madaxweyne Trump ayaa loo heystaa eedeymo ay kamid yihiin ku takrifal awoodeed iyo in uu ka tallaabsaay sharciga Mareykanka, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas.

Mar uu ka hadlayay madasha dhaqaalaha adduunka ee Devos, ee dalka Switzerland, waxaa uu madaxweyne Trump sheegay in eedeymaha loo heysto ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

Xildhibanaada xisbiga madaxweyne Trump ee katirsan aqalka Senetka ayaa tiradoodu dhan tahay 53, halka kuwa kale ee dimuqraadigana ay gaarayaan 47, waxaana ay u codeeyeen in lasoo bandhigo dukumentiyo ku aadan eedeymaha loo heysto madaxweynaha iyo heshiiyadii dhexmaray Trump iyo Ukraine, balse waxaa laga codbatay dimuqraadiga, waxaana sidaas lagu hor-istaagay qorshihii dimquraadiga.

Like it? Share it!

Leave A Response