Dacwaddii la rabay in Kenya looga reebo ka qeyb-galka kiiska ICJ ee badda Somalia oo u hakatay lacag la’aan

by admin | Friday, Nov 8, 2019 | 635 views

Guddi ka kooban saddex garsoore oo qaadayey kiis la rabo in dowladda Kenya looga joojiyo ka qeyb-galka kiiska muranka badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa ku dhowaaqay inaysan go’aan gaari karin sababo la xiriira miisaaniyad dhimis lagu sameeyey laanta garsoorka Kenya.

Garsoorayaasha kala ah; Kanyi Kimondo, Robert Limo iyo Anthony Mrima ayaa la filayey inay shalay ku dhowaaqaan haddii ay tahay in Kenya ay ka baxdo kiiska ICJ iyo in kale. Hase yeeshee war ay soo saareen ayey ku sheegeen in go’aan aysan gaari karin.

Waxa ay sheegeen in miisaaniyad dhimista lagu sameeyey garsoorayaasha oo ku kala nool meelo kale duwan ay la macno tahay inaysan isku iman karin si ay go’aan u gaaraan.

“Go’aan lagu waday inay gaaraan saddexda garsoore dib ayaa laga soo sheegi doonaa, waana la ogeysiin doonaa dhinacyada ku lugta leh. Waan ka xunnahay dib u dhaca nagu yimid” ayay ku yiraahdeen ogeysiis ay soo saareen.

Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa bishii tagtay miisaaniyad dhimis ah 3 bilyan oo shilling ku sameysay garsoorka, sababo la xiriira dakhliga oo gaabtay, loona baahan yahay inay hesho lacag dheeri ah.

Garsoorka Kenya ayaa codsaday miisaaniyad dhan 31 bilyan oo shilling balse waxaa baarlamanka u ansixiyey kaliya 14.5 bilyan, hase yeeshee waxaa 3 bilyan kasii jaray wasaaradda maaliyadda, kana dhigay miisaaniyadda 11.5 bilyan.

Kiisas badan oo maxkamadeed, oo uu ku jiro kiiska badda Soomaaliya ayaa u hakaday arrinran darted.

Kiiskan ayaa waxaa diiwaan geliyey qareenno Kenyan ah oo gaaraya illaa 20 oo uu hoggaaminayo Kibe Mungai, kuwaas oo ku dooday in ka qeyb-galka dowladda Kenya ee kiiska ICJ uu ka hor imanayo dastuurka Kenya, sababtuna ay tahay in go’aanka maxkamadda uu wax ka beddeli karo “xuduudaha Kenya”.

 

Like it? Share it!

Leave A Response