Dad Abaar ugu dhintay dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Monday, Apr 5, 2021 | 353 views

Wararka ka imaanaya degmada Maa’iso ee gobolka Sitti ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa sheegaya in abaarta jirta ay macaluul u raacday deegannada degmadaa hoos taga qaarkood.

Dadka degaanka waxaa ay sheegen in Intaasi ay dheer tahay in ay beryahan taagnayd colaad dhex taal qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Xuseen Qayaad Gadiid oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maa’iso ayaa BBC u sheegay in dad ay u dhinteen gaajo darteed kadib saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka ay sida weyn u saameysay abaarta ay kamid yihiin haweenka iyo dadka da’da ah.

“Waxaa isugu key darmay abaar xun , daacuun caloola iyo dadka oo gaajo laaysay ..oo geelina uu dhimanayo”

Like it? Share it!

Leave A Response