Dad badan oo lagu qab qabtay howlgal laga sameeyay Baydhabo

by admin | Sunday, Jul 5, 2020 | 398 views

Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka fuliyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii labadii todobaad ee la soo dhaafay ay falal amni darro ka dhaceen Magaalada Baydhabo oo ay kamid ahaayeen qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegene in, iyaga oo fulinaya amar kasoo baxay madaxweyne laftagareen ay howlgallada bilaabeen,isla markaana ay ku qab qabteen dad looga shakisan yahay nay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Guddiga Amniga ee uu Bishii Ramadaan Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kormeero kala duwan waxaa ay xilliyada habeenkii ah ka sameyn jireen Magaalada Baydhabo,kaas oo la xiriira dhanka Amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response