Dad careysan oo ishor-istaag ku sameeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle

by admin | Thursday, May 28, 2020 | 450 views

Dad ka careysan safar uu Maanta ku tagayo degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa banaanbax rabshado watay waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Ceel- Gaal ee Gobolkaasi Hiiraan.

Wararka laga helayo deegaanka Ceel- Gaal ayaa waxaa ay sheegayaan in iska iska hor-imaad kooban uu dhex-maray ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo maleeshiyaad qeyb ka ahaa banaanbaxa,kuwaas oo diidanaa in Waare uu ka gudbo deegaankaas.

Guddoomiyihi hore ee degmada Maxaas Cabdi Muumin Cilmi ayaa Warbaahinta u sheegay in iska hor-maadka uu ku geeriyooday hal ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale,kuwaas oo kamid ahaa dadkii banaanbaxa dhigayay.

Weli deegaanka Ceelgaal ayaa waxaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah,iyada oo weli ay ku sugan yihiin wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare o ay Wasiiro ka yihiin,kuwaas oo ku wajahan deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response