Dad farabadan oo Oxygeen la’aan ugu dhintay Gobolka Mudug

by admin | Sunday, Apr 4, 2021 | 329 views

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdirixmaan Cali diiriye Isxal oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan baahsan oo ka jirta gobolka.

Guddoomiyaha ayaa ka deyriyey xaalada cafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka oo uu sheegay in aysan heli Karin Oxygeen ku filan , inkastoo uu xusay inay jiraan isbitaalo yaryar oo isku dayaya in ay la tacaalaan xaalada Covid-19 ee ka jirta Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in qeybo badan oo gobolka ah ay ka taagantahay xaalad abaareed oo baahsan , waxaana uu u xusay in ay wadaan dadaalo ayaga oo kaashanayo shacabka , isla markaana ay meelaha qaar ka sameynayaan biyo dhaamin.

Cudurka Covid-19 oo ah cudur si deg deg ah ku faafo ayaa dhibaato lixaad leh ku haayo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka iyo Magaalda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response