Dad ku dhintay Hilib Geel sumeysan oo ay cuneen

by admin | Wednesday, Aug 10, 2022 | 447 views

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday 5 qof oo kalena xaaladooda caafimaad ayaa laga deeyrinayaa kadib dadkaas oo ku nool dowlad degaanka Soomaalida ay cuneen Hilib Geel la sumeeyay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Santarka Qabri-hanteen oo dhinaca waqooyi 6km ka xigta magaallada Harta-sheekha ee dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya.

Maamulka Santarka Qabri-hanteen iyo dadweynaha degaanka ayaa u gurmaday dadka cunay Hilibka Geella, iyaga oo geeyay Goobaha Caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda Caafimaad.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo degaanka Soomaalida ay dad u dhintaan hilib sumaysan, hayeeshee todobaadkii hore ayay ahayd ka dib markii ay dad ku sumoobeen hilib Geel oo ay cuneen.

Like it? Share it!

Leave A Response