Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 461 views

Shilkaan Gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Babile iyo Jijiga ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana uu sababay dhimashada Afar Ruux iyo dhawaaca laba kale, kuwaas oo gaariga saarnaa.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday Gaari yar oo dowlad degaanka Soomaalida looga yaqano hardtop , kaas oo sida la sheegay ka yimid Magalada Fiiq Ee Gobolka Erar,waxaana uu ku wajahnaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.

Dadka Shilka ku geeriyooday ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay kala yihiin, Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo Caan ka ahaa degaannada Dowlad degaanka marna kasoo Shaqeeyay Maxkamadda Sharceecada ee gobolka Erar, laba Haween ah lagu kala Magacaabi jiray Faadumo Khaliif iyo Ruqiyo Maxamed iyo Darawalkii Gaariga.

Shilka Gaari ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah Hooyo heysata 7 Caruur ah oo Magaceeda lagu soo koobay Nimco oo la sheegay inay tahay Xaaska Sheekh Maxamed Cabdullaahi oo shilka ku geeriyooday iyo qof kale.

Ciidamo ka tirsan kuw Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo dad Shacba ah ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, kuwaas oo goobta kasoo qaaday meydadka iyo dadka shilka ku dhaawacmay.

Wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Babile iyo Jijiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa kusoo batay Shilalka Gaari, waxaa labadii Bishii May ee sanadkaan Shil gaari oo ka dhacay ku geeriyooday laba ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response