Dad ku geeriyooday dab ka kacay Isbitaal

by admin | Tuesday, May 30, 2023 | 183 views

Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Koonfurta Caasimadda dalka Austria ee Vienna.

Afhayeenad u hadashay Hay’adda Caafimaadka Gobalka ayaa sheegtay inuu dabkaasi Saqdii Dhexe ee xalay ka kacay Isbitaal ku yaalla Deegaanka Modling oo 14 KM u jirta Caasimadda dalkaasi ee Vienna.

Maamulayaasha waxay sheegeen inay 170 Gaadiidka Dab-damiska, 33 gaadiid kale iyo Koox ka socotay Hay’adda Bisha Cas ee dalkaasi ka qeyb qaateen Daminta Dabkaasi oo qaadatay muddo 2 saacadood.

Dhanka kale, Bukaanada aan dhaawacmin waxaa loo daad-gureeyey Xarumo kale oo Caafimaad, waxaana bilowday Baaritaanka waxa sababay Dabkaasi dhimashada iyo Khasaaraha Hantiyeed geystay.

Like it? Share it!

Leave A Response