Dad lagu dilay degmada Balanbale iyo xiisad ka taagan

by admin | Tuesday, Sep 10, 2019 | 614 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka Degmada Balanbale waxa ay ku dileen laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka,waxaana la sheegay in dilka kadib maleeshiyaadka ay goobta isaga baxsadeen,sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Balanballe.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaan uu la xiriiro aanooyin qabiil,isla markaana uu daba socdo dil shalay ka dhacay degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, iyada oo weli aan lagu guuleysan in la qabto maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkii ka dhacay Guriceel.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad colaadeed ay maanta ka taagan tahay duleedka degmada Balanbale, islamarkaana haatan meydka labada qof ee la dilay.

Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka dhacay degmada Balanballe marka lag reebo in dilkii shalay ka dhacay Guriceel ay ciidamada xoogga dalka sheegeen inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response