Dad lagu Eedeeyay Musuq maasuq Gargaar oo lagu xiray Baladweyne iyo fadeexad soo baxday.

by admin | Wednesday, Nov 13, 2019 | 730 views

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa lagu qabtay gaadiid lagu soo raray qeybo kamid ah Gurmadkii loogu talalay dadkii dhawaan halkaas uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle oo lagu dejinaayay Bakhaar ku yaalla Baladweyne.

Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ah Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27 ayaa sheegay in dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in gaadiid sida  raashin lagu dejinayo Bakhaar, wuxuuna xusay intaas kadib in Ciidamo ay u direen  goobta lagu dajinayay gaadidka.

Sidoo kale Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Ninkii lahaa Bakhaarka lagu dejinaayay raashinka Gurmadka ahaa iyo ragii arrintaas ka shaqeeynayay, isagoo sheegay in la xiray, isla markaana baaritaano lagu sameeyn doono.

sidoo kale waxaa jira  dhalinyaro ku qaraabta  u gurmashada  dadka dhibaateysan kuwaas oo tacadiyo badan qeysatay sida ay warbaahinta u shegen dad ku sugan baladweyne.

Si kastaba Ciidanka amniga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, taasi oo ay uga hortageen Raashin gargaar ah oo la doonayay in la musuq-maasuqo, iyadoona ay xusid midan tahay in Baladweyne iyo duleedkeeda ay ku sugan yihiin boqlaal qoys oo dhibaateysan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response