Dad Shacab ah oo lagu laayay Hiiraan

by admin | Saturday, May 4, 2019 | 1212 views

Wararka naga soo gaaraya  Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo maraayay degaanka Kabteedan.

Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gaareen goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkaan ay ahaayeen dadka Ehel ah oo loo laayay Aanooyin qabaail.

Kooxdii dilka geysatay ayaa wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.

Like it? Share it!

Leave A Response