Dad Shacab ah oo lagu laayay Muqdisho

by admin | Wednesday, Apr 17, 2019 | 796 views

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay ka dib markii Koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dad Shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Ku dhawaad 6 ruux ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadka la laayay qaarkood ay isku qoys yihiin.

Weerarka ayaa ka dhacay Guri ku yaalla Agagaarka Suuqa Koowo Goodey.

Maamulada degmooyika Wadajir Dharkeenley  ayaa goobta  gaaray Waxaana Isku soo baxay Dadka Degaanka.

Sababta ka dambeysay in dadka Shacabka ah la laayo ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo, waxaana taasi ay cabsi weyn ku abuurtay dadka degaanka, waxaana goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geysatay.

Like it? Share it!

Leave A Response