Dadka u doodda xuquuqda duurjoogta oo ka dayrinaya dabar goynta lagu hayo Xawayaanka Soomaalida

by admin | Monday, Jun 10, 2019 | 841 views

Maalin walba waxaanu isku haysana duur joogta Carab rag waaweyn oo wadanka caan ka ahi ka iibinayaan, laba jeer madaxweynaha Somaliland ayaan uga mhad naqayaa oo anigoo hor taagan oo is haysana uu ogaaday oo uu labadaasi jeer ba wax ka qabtay, mar waxay ahayd Carab dilay shimbiro waaweyn ee soomaalidu u taqaan  jugley (Kori Bustard), waxaana isoo sheegay dadka deegaanka, markii aan dul tagay waxa isku qabsanay wasiir Carabta la socda, anago sidii isku haysana si uu madaxweynuhu ku ogaaday mooyee waxa noo yimid gaadhi ciidan ah oo dhamaan Carabtii iyo dadkii caawinayey ba xidhxidhay, ka dibna Carabtii la mustaafuriyey”ayuu yidhi Cabdi Cali.

Mar kale isagoo ka hadlaya Carab ay isku qabsadeen iyagoo ugaadhsanaya shimbiraha waxa uu yidhi “ maalin kale Carab diyaarad wadatay oo madaarka ka soo degtay oo aad u faro badan baa doonaysay inay shimbiro badan qaataan, markii la isoo sheegay waxaan tagay halkii ay joogeen, waxa waday safiirkii hore Imaaraadka ee dhowaanta la  bedelay, anagoo sidii isku haysana waxa noo yimid Badhasaabka gobolka Saaxil oo madaxweynuhu amar soo faray in aan xawaanka duur joogta ah aanay Carabtasi dili Karin balse dalxiisi karaan dhulka, ka dibna sidii bay Carabtii ku noqotay, labadaasi jeer madaxweynaha isoo gurmaday anigoo is hor fadhinna”.

Like it? Share it!

Leave A Response