Dadkii ugu yaraa abid oo sanadkan gudanaya Acmaasha Xajka

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 403 views

Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadiyan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii.

Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiisa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof.

Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka goobtaas barakaysan cibaadada u tagaya ayaa waxa ay tahay inay iskarantiilaan Xajka ka hor iyo kaddibba, AFP ayaa sidaas ku warrantay.

Wareysi uu bilowgii todobaadkan siiyay taleefishinka al-Carabiyah ee uu Sucuudigu maalgaliyo, ayuu wasiirka Arrimaha Xajka Maxamed Saalax Bintin uu ku sheegay in xujayda guryahooda lagu karantiilay ka hor inta aanan muddo afar maalmood ah lagu sii karantiilin hoteello ku yaal magaalada Makkah.

Dadka xajka gudanaya 30% ka mid ah ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin u dhashay waddanka Sucuudiga halka inta soo hartayna ay yihiin ajaanib deggan boqortooyada.

Boqortooyada ayaa waxa ay diiwaangelisay in ka badan 270,000 oo xaaladood oo fayraska korona ah, halka dhimashaduna ay cagacagaynayso 3,000.

Dalka ayaa waxaa bishii la soo dhaafay laga qaaday xayiraaddii guud ee saarneyd. Xayiraado adag oo lagu doonayay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska ayaa waxaa la dhaqangeliyay bishii Maarso, kuwaas oo ay ka mid aheyd bandow 24 saacadood ah oo lagu soo rogay inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response