Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaaldegaya maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga

by admin | Friday, Jun 15, 2018 | 942 views

Ummadda Islaamka ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegaya maalinta Koowaad ee Ciidl Fidriga, maadaama ay xalay dhalatay bisha shawaal oo si weyn loo sugayay.

Dadka Islaamka ah ayaa mudo 29 maalmood ah gudanayay waajibaadka iyo kheyraadka ku jira bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna maanta u dabaaldegayaan Ciidul Fidriga.

Subaxda hore ee saakay ayay dadka u dareerayaan Tukashada Salaadda Ciida, iyadoo garoomadda waa weyn iyo barxadaha waa weyn dadka Muslimiinta ah ay isugu soo bixi doonaan si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada.

Wadooyinka waa weyn iyo goobaha loo dalxiis tago ayaa waxaa isugu imaanaya dadka qeybahooda kala duwan, kuwaasi oo isugu hambalyeynaya maalintan farxadeed, wada galayana sawirro xusuus ah.

Like it? Share it!

Leave A Response