Dagaal ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 921 views

Ciiidamada dowladda oo gacan militari ka halaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka ruqaasaday magaalada Beledweyne ayaa weerar ku qaaday fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.

Dagaal leysku adeegsaday hubka culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray inta u dhaxeysa magaalada Beledweyne iyo deegaanka Nuur Fanax, gaar ahaan dagaalka ayaa ka dhacay deegaannada Baardheere, Beerxaanno iyo Tare-Jente oo dhamaantood ku teeedsada waddada laamiga ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalkani yahay mid qorsheysan oo la doonayo in lagu gaaro dhamaanba deegaannada gobolka ay ka maamulaan Al-shabaab.

Laakiin dhinaca kale marka aad eegto ma’aha markii ugu horeysay oo ciidamada dowladdu tagaan deegaannada ay hadda dagaalladu ka dhaceen

Like it? Share it!

Leave A Response