Dagaal culus oo ka socda degaano ka tirsan Gobolka Mudug

by admin | Saturday, Jul 24, 2021 | 326 views

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaannada Miiroon iyo Eryaale oo u dhow degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka ,Daraawiishta Galmudug, Danab iyo Ciidamo uu wato Generaal Saadaq Joon ay weerar ku qaaday Deegaannadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in weli dagaalka uu socdo, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response