DAGAAL CUSUB: Jose Mourinho & Antonio Valencia Oo Uu Dagaal Cusub Ka Dhex Qarxay, Rashford Oo Uu Ka Saaray Shir Kooxdu Lahayd Iyo Xaaladda Murugsan Ee Old Trafford

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 985 views

Xaaladda tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sii xumaanaysa, waxaanay inta badan isku kacsan yihiin ciyaartooyada kooxda oo si toos ah qaarkood ugula murmeen xerada tababarka.

Xidhiidhka u dhexeeya Paul Pogba iyo Jose Mourinho ayaa intii uu xili ciyaareedkani bilaabmayba meel xun marayayey, waxaana ay dhowaan xerada tababarka isku weydaarsadeen hadallo kulul oo cadho ka muuqato, hase yeeshee waxa kasii horreeyey Anthony Martial oo ka hor intii aanu ganaax ku ridin amar la’aan kaga tegay safarkii Manchester United ay ku tagtay Maraykanka kaddib markii uu tababaruhu u diiday inuu u fasaxo xaaskiisa oo foolanaysay oo uu doonayey inuu booqdo.

Dagaalka ka bilaabmay labadaas ciyaartoy ee isku waddanka ah iyo tababare Jose Mourinho ayaa u gudbay Alexis Sanchez oo isaga oo caafimaad qaba uu ka reebay liiska ciyaartoygii u saftay kulankii West Ham, waxaana jira warar kale oo sheegaya in tababaruhu uu shir kooxdu lahayd ka saaray Marcus Rashford oo isaguna qayb ka noqday ciyaartooyada kasoo horjeeda.

Tababaraha oo u muuqda inuu cidlo taagan yahay, ayaa waxa uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay kabtanka Kooxda, Antonio Valencia kaas oo dhaawac kaga maqnaa kulankii Carabao Cup ee guul-darradu ay u xambaarisay Derby County.

Mourinho ayaa kabtankiisa ka saaray liiska ciyaartoygii u saftay kulankii West Ham ee xigay ciyaarta Derby County, waxaana uu si badheedh ah ugu dhalleeyeey kabtanka inuu la safan yahay kabtan-ku-xigeenkiisa Paul Pogba.

Marka la eego xaaladda guud ee kooxda Manchester United, waxay u muuqataa in ciyaartooyadu ay dhinac ka wada noqonayaan tababare Jose Mourinho oo sida la wariyey loo sheegay in haddii uu guul-darraysto labada ciyaarood ee Valencia oo caawa Old Trafford kula ciyaaraysa iyo Newcaslte oo toddobaadka dambe ah, inuu si toos ah u waayi doono shaqadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United guul ma gaadhi karto iyadoo uu jiro khilaafka u dhexeeya ciyaartooyada iyo tababaruhu, waxaana maamulka laga rabaa inay si degdeg ah u keenaan xal ay ku kala furdaaminayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response