Dagaal dhex-maray Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 394 views

Dagaalkaan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa kumaandoosta ee DANAB iyo Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray wadada xiriirisa degaannada Janaale iyo Degwariiri ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qarax miino u dhigeen Ciidamada Kumaanoosta DANAB oo ay wehlinayeen saraakiil mareykan ah,sidoo kalena uu dhacay dagaal toos ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac,hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn karin,waxaana dadka deegaanka lagu dagaalamay ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeeg sanayeen.

Ciidamada la weeraray oo ka amababaxay degaanka Janaale ayaa ku wajahnaa degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay howlgallo ka socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response