Dagaal dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab

by admin | Sunday, Jun 9, 2019 | 1174 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Jabuuti oo marayay duleedka degmadaas,,waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan 30 Daqiiqo,sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah oo dagaalkaas ka dhashay,waxaana wararku sheegayaan in Lix askari oo ka tirsan Ciidamada Jabuuti ay ku dhaawacmeen,hayeeshee Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegteen in weerarkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 13 Askari oo ka tirsan Ciidamada Jabuuti.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM weli dhankooda kama hadlin dagaalka duleedka degmada Jalalqsi ay kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana wararku sheegayaan in Ciidamada Jabuuti ay socdaalkoodii sii wateen.

Wararka saakay laga helayo degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoostaga ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana degmadaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response