Dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland & Al-Shabaab

by admin | Friday, May 24, 2019 | 816 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal duleedka Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo Ciidan oo ka timid deegaano ka tirsan duleedka Kismaayo,xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Baarka iyo Buula Guduud.

Al-Shabaab ayaa sheegay in kolonyada ay weerareen uu la socday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo safar ku tegay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,hayeeshee weli lama shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Madaxtooyada Jubbaland weli dhankooda faah faahin guud kama bixin dagaalka duleedka Kismaayo ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab

Like it? Share it!

Leave A Response