Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & Dowladda oo guulo ka sheegatay

by admin | Wednesday, May 27, 2020 | 454 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay howlgal ka bilaabeen deegaano hoostaga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, iyaga oo dagaal la galay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada, iyaga o howlgal ka wada deegaanka Misir ay weerar kala kulmeen Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab,isla markaana hlkaasi uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor,waxaana ay sheegeen in ay Al-Shabaab ka dileen laba xubnood oo ka tirsanaa sidoo kale ay guulo waawyen ka gaareen dagaalka ay la galeen.

Dad ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay basle diiday in sababa amni dartood Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Maamulka degmada Diinsoor uu Gudaha degmada kusoo bandhigay meydadka laba xubnood oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Diinsoor ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo kal

Like it? Share it!

Leave A Response