Dagaal khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Dec 11, 2019 | 764 views

Ku dhawaad 6 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaal beelleed goor dhaw ka qarxay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay rag hubeysan weerar ku qaadeen dad shacab ah oo degenaa Tuulo lagu magacaabo Mareer oo qiyaastii 5km u jirta deegaanka Jawiil, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in uu soconayo dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beelleed oo ka soo kala jeeda labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira dagaalkan la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Jawiil,

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Like it? Share it!

Leave A Response