Dagaal Maalintii Labaad Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

by admin | Monday, Oct 1, 2018 | 909 views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa waxa ay weli howlgallo ka wadaan deegaano duleedka ka ah Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka soo shalay aroortii hore bilaawday ayaa waxa ay ka socdaan deegaano u dhaxeeya tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkaas intii uu socday ay la wareegeen deegaano dhowr ah,isla markaana ay ku qabsadeen hub iyo Gaadiid.

Ads-resp
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 27-aad Jneraal Saalax Yacquub ayaa waxa uu sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo aan jogsan doonin ilaa Al-Shabaab ay kala wareegaan deegaanada ay maamulaan.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay shaaciyey in howlgallo qorsheysan oo laga fuliyey deegaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Jubbooyinka guulo laag gaaray.

Like it? Share it!

Leave A Response