Dagaal markale ka dhacay Gobolka Bari & khasaaro ka dhashay

by admin | Sunday, Jan 10, 2021 | 331 views

Dagaal ayaa markale ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bari, kaas o u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Dagaalka oo soo gaaray ilaa xalay fiidkii ayaa waxaa uu ka dhacay miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, waxaana uu salka uu ku haayaa muran ka dhashay degaamaynta miyiga Isku-shuban.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegen in ilaa iyo inta la xaqiijiyay dagaalka ay ku geeriyoodeen lix ruux halka ay ku dhaawacmeen 13 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in labada dhinac ay kala gaareen gurmadyo kala duwan, iyada oo saaka ay markale xiisad dagaal ka taagan tahay goobtii lagu dagaalamay.
Mas’uuliyiinta sar sare iyo laamaha amniga Gobolka Bari ee Maamulka puntland weli kama hadlin dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday degaano ka tirsan gobolka Bari, iyada oo dadka qaarkood ay isaga barakaceen halkii lagu dagaalamay.

Like it? Share it!

Leave A Response