Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo katirsan Booliska Haramcad & Al-Shabaab

by admin | Friday, Mar 24, 2023 | 218 views

Dagaal xooganaa ayaa waxaa xalay uu ku dhexmaray Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir Ciidamo katirsan kuwa Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa sida la sheegay uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen Xarunta ay Al-Shabab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka, balse aysan faah faahin Karin.

War kasoo baxay Taliska markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in  lagula wareegay Xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Deeynile, sidoo kalena dagaalkii ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ay weerareen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile, balse ay dib uga soo laabteen.

Like it? Share it!

Leave A Response