Dagaalkii Pogba Iyo Mourinho Oo Soo Cusboonaaday Iyo Xiddigga Oo Furka Ku Tuuray Qaab Ciyaareedkiisa

by admin | Monday, Sep 24, 2018 | 929 views

Paul Pogba markale ayuu weeraray Jose Mourinho isaga oo ku eedeeyey adeegsiga kaarto xun.

United waxa ay barbardhac 1-1 la gashay Wolves oo walib ku sigtay in ay lumiso dhibacaha.

Pogba waxa uu caawiyey goolkii United ee Fred saxiixay qeybtii hore.

Kooxda Mourinho boosas badan ayey daafaca ka baaneeneysay taas oo keentay in wiilasha Wolves ay dadaalkoodii mira dhalo.

Advertisement

Joao Moutinho ayaa ka faa’iday habacsanaanta daafaca United isaga oo kubad laaban shabaqa la helay xilli Wolves abuurtay fursado ka halis badan United qeybihii dambe ee deesha.

Wolves sidoo kale waxa ay sameeysay gool beegsiyo ka badan Inta United sameysay oo soo dhaweysay Sir Alex Ferguson oo xanuun ka soo kabtay.

Xilli ciyaareedyo wanaagsan ayuu Pogba ku qaatay Juve kahor inta uusan  £89million ugu soo laaban Old Trafford.

Hase ahaatee, waxaa dib u noqotay murankii kala dhexeeyey Mourinho isaga oo kulankii Wolves kaddib furka ku tuuray kaarto ciyaareedkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response