Dal soo rogay sharci xaniinyaha looga siibayo kadibna la dilayo qofkii kufsi geysta

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 423 views

Barasaabka gobolka ku yaalla waqooyiga galbeed ee Nigeria ee Kaduna, Nasir Axmad el-Rufai, ayaa saxixay sharci ciqaab adag la marinayo qofka kufsi geysta.

Sharcigan ayaa dhigaya qofka kufsi lagu helo looga saaro qalliin Xiniyaha ama la (dhufaano) islamarkana qofkii kufsada cunug ay da’diisa ka yartahay 14 dil loogu daro.

Haddii qofka la kufsaday dad’diisu ka weentahay 14 sano ayaa waxaa sharciga uu fasaxayaa in qofkaasi Xiniyaha laga saaro islamarkana xabsi daa’in lagu xukumo.

Haddii haweeneyda lagu helo kufsiga caruurta yaryar waxaa la marin doonaan ciqaab adag oo ay ka mid tahay in laga saaro qaar ka mid xubnaha taranka iyo waliba dil.

Kiisaska kufsiga ee la soo sheego ee ku aadan in la kufsaday qof ka yar 14 sano, waxaa loo baahnaan doonaa warbixin caafimaad si loo cadeeyo eedeynta.

Waxaa sidoo kale sharcigani ka mid ah in dadka caruurta kufsada magacyadoda lagu soo daabaco warbaahinta.

Barasaabka gobolka Kaduna ayaa saxiixa sharcigani ku xaqiijiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Tweetar-ka xalay.

Gobolka Kaduna waa gobolka kali ah ee soo saaray shuruuc noocan ah oo ku dhan ah kufsiga.

Waxaa muddo bilooyiin ah ka socday guud ahaan dalka Nigeria cabasho ay shacabka muujinayeen iyo olola looga so horjeedo kufsiga .

Inkastoo ay jiraan dad badan oo kufsi loo xiray hadana inta badan waxaa la rumaysan yahay in tirada dambiyadasi lagu helo ay aad u hooseyso.

Like it? Share it!

Leave A Response