Dalalka Islaamka oo caawa raadinaya Bisha Soon-fur. {AKHRISO}

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 283 views

Waddamada Islaamka ayaa ku dhawaaqay in Caawa oo Talaado ah ay raadinayaan bilashada Bisha 10-aad ee Hirjiyada (Shawaal / Soon-fur) oo aragtideeda Berri oo Arbaco ah ka dhigeysa in la ciido maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga balse haddii la waayo la dhammeystirayo 30-ka Ramadaan.

Wasaaradaha Arrimaha Diinta Dalal dhowr ah ayaa amray waaxyaha u qaabilsan raadinta Bisha in gelinka dambe ee maanta raadiyaan Bisha iyaga oo adeegsanaya qalabka casriga ah ee aragtida weyneeya, diyaarado & agab kale.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in la raadinayo Bisha Shawaal haddii la xaqiijiyo aragtidda shacabka lagu wargelin doono in ay ciidaan, balse haddii muuqeeda la arki waayo waxa ay Wasaaradda ku dhawaaqi doontaa in la dhameystirayo Soonka.

Sidaas oo kale waxaa ku dhawaaqday Jamhuuriyadda Carabta Masar, baarayaasha heysta qalabka casriga ah ayaa kori doona Dhulka Buuraha ah si ay uga dheeraadaan Humaag ama dhismaha Magaalooyinka oo ka qarin kara aragtida Bisha.

Like it? Share it!

Leave A Response