Dalalka Sudan iyo Ethiopia oo qarka u saaraan dagaal

by admin | Thursday, Jan 14, 2021 | 456 views

Waxaa sare usii kacayaa xiisadda ka dhex oogan dalalka Suudaan iyo Itoobiya ee salka ku haysa dhul ku yaalla xuduudda, ayada labada dhinac ay isku jeedinayaan eedeymo ku saabsan cidda gar-darran.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in ciidamada Suudaan oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka, islamarkaana ay qabsadeen beero, sidoo kalena ay dhaceen hanti.
Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda, Dina Mufti ayaa sheegay in xadgubkaas uu horseeday in dagaal uu ka dhex qarxo xudduudka labada dal inkasta oo ay socdaan wadahadallo lagu xallinayo arrintaas.
Dhinaca kale, Suudaan ayaa dhaleeceysay Itoobiya, waxa ayna sababta xiisadda taagan ku tilmaantay dandaansi ay maleeshiyaad Itoobiyaan ah ka wadaan deegaanka Al-Quraysha oo dhaca bariga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan ayaa ka codsatay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda isla markaana ay dhaleeceeyaan ‘koox hubeysan oo kasoo jeedo gobolka Amxaarada’
Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.
Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.
Toddobaadkan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta Suudaan ay sheegeen in 6 qof oo rayid ah ay dileen ciidamo Itoobiyaan kaddib markii ay weerar ku qaadeen halkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response