Dalka Germalka Ku Dhawaad 9 Qof oo lagu dhaawacay Banaanbaxyo ka socda

by admin | Monday, Sep 3, 2018 | 970 views

Waxaa sii xoogeestay banaanbaxyo isbuucii labaad ka socda dalka Germalka kaasi oo dhigayaan kooxaha Naziyiinta ee kasoo horjeeda soo galootiga.

Kooxaha ayaana aad uga soo horjeeda soo galootiga ku sugan dalkaasi gaar ahaan magaalada Chemnitz oo hada ka socdaan rabshadaha.

Dibadbaxyada waxaa ku darsoomay kooxo kale oo muslimiin ah kuwaasi oo kasoo horjeeda Naziyiinta dhigaya dibad baxa.

dadka la dhaawacay waxaa ku jira wiil 20 sano jir soogalooti ah kaasi oo garaaceen afar nin oo ka tirsan kooxaha naaziyiinta.

Rabshadaha ayaana bilowday kadib marii nin u dhashay dalkaasi lagu dilay mindi kaasi oo dilkiisa looga shakiyay labo nin oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq iyo Suuriya

Like it? Share it!

Leave A Response