Dalkeennu waxa uu wajahayaa mid ka mid ah khatarihii ugu weynaa taariikhda casriga ah

by admin | Thursday, Mar 19, 2020 | 505 views

Cudurka CoronaVirus ee dunida oo dhan ku baahay, dalkeennana laga sheegay, waxa uu saameyn taban oo aad u xooggan ku yeelanayaa nolosha dadkeenna iyo dadkeenna.

Qurbe joogta Soomaaliyeed oo dalka sanad kasta u soo dirayay adduun ka badan 2 Billion oo Doollar, waxa ay ku go’doonsanyihiin guryahooda markii shaqooyinkii la xiray, taas oo saameyn toos ah ku yeelaneysa dhaqaalihii soo gali jiray iyo ehelkii ay biilalka u soo diri jireen.

Heer dalna, dowlad iyo hay’ado badan oo na taageeri jiray ayaysan u sahlanaan doonin in ay sidii hore noo garab istaagaan, taas baddelkeedana waxay la daalaadhacayaan maareynta mashaakilka dalalkooda.

Walaaca kale ee aan qabo waa in xanuunka Corona ka dillaaco deegaannada ay argagixisada Alshabaab haystaan, ayna diidaan talooyinka hay’adaha caafimaadka ama dadka ku khasbaan isu imaatinno laga baaqsan karo, taas oo keeni karta Alla ma qaddaree in xanuunka Corona ku sii faafo deegaanno ay gaaristoodu adagtahay.

Dhibaatadani waxa ay dhammaanteen na saareysaa mas’uuliyad weyn oo ah in aan u midowno badbaadinta ummaddeenna.

Aan dhinac iska dhigno khilaafkeenna siyaasadeed, deegaan iyo dano gaar ah oo aan xooggeenna, xooleheenna, xiriirkeenna iyo maskaxdeenna isugu geyno sidii aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadin lahayn khatarta cudurka CoronaVirus(COVID-19).

Like it? Share it!

Leave A Response