Dalkii ugu horeeyey oo ku dhawaaqay in maalinta Isniinta tahay bilowga Bisha Ramadaan

by admin | Saturday, May 4, 2019 | 1033 views

Muslimiinta dalka Australia ayaa ku dhawaaqay inay maalinta 1-aad ee Bisha Ramadaan tahay maalinta Isniinta ee soo socota oo ku beegan bisha May 6-da.

Golaha qaranka ee Iimaamyadda dalkaasi ayaa ku dhawaaqay inay bishan May 6-da tahay maalinta ugu horreysay Bisha Ramadaan ee dalka Australia.

Qoraal ay soo saareen Golaha Imaamyadda dalkaasi waxay ku sheegeen, kadib, markii ay La-tashiyo dheeraad ah la yeesheen Hoggaamiyaaasha Islaamka ee guud ahaan dalka Australia, inay Muftiga Guud ee dalkaasi, Dr. Ibraahim Abu Maxamed iyo Golaha Qaranka ee Imaamyadda Australia caddeynayaan in bishan May 6-da tahay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadaan

Like it? Share it!

Leave A Response