Damaca iyo dhagarta Siyasadeed Shariif Xasan iyo Arlaadi Aid{warbixin}

by admin | Wednesday, Jun 19, 2019 | 757 views

waxaan qoraalkani ku soo Qaadaneynaa Damaca siyasadeed ee ay wataan kooxda Shariif Xasan oo mar walba magacyo iyo Xeelad Cusub oo khiyaano Qaran maleegaya,

 

waxaa jirta in Shariif Xasan Ahmed madoobe Gaas iyo Abdi Iley ay saxiixeen Heshiis ahaa Samatic oo ay hugaanka u hayeen Imaraadka iyo Tigreyda wadanka Ethopia oo la doonayey in Shidaalka geeska afrika iyo Dhaqalaha wadanka Soomaaliya ama Deeganka Soomaalida Ethopia ay iska kaashadaan oo ay yihiin walalo reer Samatic Heshiiskan oo hoosta kala socotey wadanka Kenya ayaa ahaa mid la doonayey in lagu caburiyo dadka Soomaaliyeed ,

 

Shariif Xasan ayaa Halkaasi ku cadeyey in uu San isir la wadaagin Qoomiyada Digil Iyo Mirifle oo uu keliya la yahay Degaan wadaag oo uusan Soomaali xitaa aheyn. Shariifka ayaa awoodii uu waa yey markii laga taqlusey Rajiimkii Tigreyga ee wadanka Ethopiya Heystey oo ciidan ahaan u garabtaagnaa oo weliba isku haleynaayey halka wadanka Kenya ay ka caawineysey dhaqale iyo Rag la talinayey sidoo kale wadanka Imaraadkana uu dhaqala ka heli jirey,

 

dhinaca kale Hal mar ayaa wadanka Soomaaliya loo jerey xiirikii Imaradka iyo wadamadii Shariifka lugta ku lahaa taa oo keentey in Shariifka Si sahlan looga raayo oo wadanka isaga Carara.

 

Hadaba Shariifka iyo Arlaadi Aid oo ka faideysanaya siyasada Guracan iyo Damaca Dowlada Kenya ayaa doonaya iney dagaal Beeleedyo iyo qas ka abuuraan Koonfurta Soomaaliya.,

 

Shariif xasan ayaa 1993 -1994 markii uu lahaa Heyadii Al Ahli uu abuurey Dagaalo sokeeye oo maalinba uu qabiil ka mid ah Dadka Digil iyo Mirifle ku duuli jirey maantana magacii Al Ahli ayuu ku soo bedeley Arlaadi Aid oo isla familkii shaley uu adeegsanayey ay Durbaan Colaadeed u garacayaan.

Shariifka iyo Arlaadi Aid ayaa damacsan in ay Shir marin hababin ah oo la doonaya in dhiig Soomaaliyeed lagu daadiyo Magalada Portland Oregon lagu ababulo taa oo si toos ah uga hor yimid Gudoomiya ha Jaaliya Digil iyo Mirifle ama Dadka Afka maayga ku hadla Mukhtar Abdi Deerow oo sheegey in aan loo baahneyn in Dadka walala Qeybiyo ee umada ay u bahan yihiin qof mideya oo nabada U horseeda.

laso warbixinada kale .

Like it? Share it!

Leave A Response