Daraasad:-Beerista timaha waxa ay sababtaa ragganimo xumo iyo dhimasho!{AKHRISO}

by admin | Saturday, Jul 24, 2021 | 239 views

Cilmi-baaris cusub ayaa lagu ogaaday in daawooyinka loo isticmaalo daaweynta bidaarta ama beerista timaha ay sababi karto dhibaato xagga dareenka ah raga ah iyo dhimasho xitaa ka dib marka daawada la joojiyo.

“Ragga qaata daawadaan si ay uga hortagaan bidaarta ayaa laga yaabaa in ay la kulmaan dhibaato aan caadi ahayn, taas oo sii jiri karta muddo dheer xitaa kadib marka la joojiyo qaadashada daawada” ayaa lagu sheegay daraasada cusub.

Ragga waqti dheer qaadanaayay daawooyinka Finasteride iyo Dutasteride waxay kala kulmi karaan khatar wayn oo ah taas raganima xumo joogta ah marka loo eego kuwa qaata waqtiga  yar, cilmi-baarayaalka socda Jaamacadda Northwest ee Maraykanka ayaa sidaasi sheegay.

Dadka lagu waraystay  Cilmi baarita ayaa sheegay in ay la noolyihiin dhibaatadaan inkasta oo ay joojiyeen isticmaalka daroogooyinkaas, mararka qaarkoodna bilo ama sannado badan ay raga ku sii noolaan karaan dareen la’aan.

Dhalinyaradda ayaa ku qasban in ay isticmaalaan daawooyinka kordhiya raganimada marka loo eego dhammaan arrimaha halista ah ee la qiimeeyay. Tani waxay ka dhigan tahay inuu jiro xiriir adag oo udhaxeeya qaadashada daawooyinkan iyo qaadashada PED oo ay isticmaalaan ragga qaba cudurka macaanka, dhiig karka ama kuwa caba sigaarka sida ay daraasadu sheegtay.

Daraasaddan cusub ka hor, ma jirin caddeyn xooggan oo ku saabsan in finasteride iyo dutasteride ay sababaan dhibaatooyin xagga gogosha ah oo sii socda ka dib marka ragga ay joojiyaan qaadashadooda, ayay cilmi-baarayaashu sheegeen.

Sidoo kale ma jirin caddayn adag oo ah in qaadashada daawooyinkan ee mudada dheer ay kordhiso ragganimo la’aanta, ayay tiri cilmi baaristo.

“Daraasaddeennu waxay muujineysaa in ragga qaata finasteride ama dutasteride ay la kulmi karaab dhibaato aan caadi ahayn, taas oo ah aysan awood u yeelan doonin in ay helaan wax dareen ah bilo ama sannado ka dib markay joojiyaan finasteride ama dutasteride,” ayuu yiri Steven Belknap, oo ah kaaliyaha cilmi-baarista ee Northwest University Feinberg.

Finasteride iyo dutasteride oo ah daawada loo isticmaalo beerashada timaha waa daawooyin ragga horjoogsada hormoonka. Daawooyinkani waxay xannibayaan u beddelashada testosterone qaabkeeda firfircoon, 5 alpha dihydrotestosterone.

Daraasadu waxa ay sheegtay in daawooyinka Finasteride iyo Dutasteride ay xitaa soo dedejiyaan dhimashada bini aadamka.

Xiriirka ka dhexeeya dhibaatadda gogosha iyo qaadashada finasteride ama dutasteride waa in ay si gaar ah u darsadaan qoroyaasha iyo bukaannada iyaga oo tixgalinaya maareynta caafimaadka ee alopecia androgenic ayuu yiri Belknap.

Sida ku cad daraashada, 167 oo ka mid ah 11,909, lagu waraystay  daraasada waxaa ku dhacay ragganimo xumo taas oo sii jiri karta 1,348 maalmood kadib joojinta daawooyinka.

Dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 42 ee tinta beerta in ka badan 205 maalmood waxay la kulmi karaan khatar sare  oo cabirkeedu dhanyahay 4.9, sida ku cad daraasadda.

Like it? Share it!

Leave A Response