Dawladda Turkiga oo qaadaysa tallaabo suuqa lagu dajinayo

by admin | Monday, Aug 13, 2018 | 889 views

Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in ay qaadayso tallaabo ay ku dajinayso suuqyada ka dib markii qiimaha lacqagtoodu uu meeshii ugu hoosaysay ka gaaray suuqyada saamiyada ee Aasiya.
Faahfaahinta tallaabadaas ayaa wax yar ka dib la shaacin doonaa, sida uu wargaeyska Turkiga ka soo baxa ee Hurriyet u sheegay wasiirka maaliyadda.
“Subaxnimada Isniinta iyo wixii ka dambeeyaba hay’adahanagu waxay qaadi doonaan tallaabooyinka muhiimka ah, waxa aan shaacinaynana suuqyada ayaan la wadaagi doonaa,” ayuu yiri Berat Albayrak.
Jamcihii ayay lacagta Turkiga ee Iira lumisay 20% qiimaheedii marka lagu sarifayo doolarka. In kabadan 40% ayayna qiimo beeshay sannadkii hore.
Albayrak ayaa sheegay in dalku uu si degdeg ah wax uga qaban doono arrintaas” isla markaasna ay qorshaha ugu jirto in ay gacan siiyaan bangiyada iyo gancsatada yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah, kuwaas oo ay saamaynta ugu wayn ku yeelatay qiima dhaca ku yimid lacagta Iira.
Ballan qaadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweyneha Turkigu uu qiima dhaca lacagta dalkiisa ku eedeeyay shirqool ka dhan ah dalkiisa.
Recep Erdogan ayaa mar kale ku baaqay in dadka Turkida ahi ay gadaan doolarka ay hayaan oo ay ku iibsadaan lacagta Iira-da si loo xoojiyo sarifka.

Like it? Share it!

Leave A Response