Dedg deg: Ciidamo Gurigiisa kala baxay Wariye iyo Walwal soo Wajahay Maamulka Idaacadiisa

by admin | Saturday, Jul 28, 2018 | 790 views

Saakay aroortii ayaa la sheegay in Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Walaweyn lagala baxay hoygiisa oo ku yaalla degmada Walaweyn.

Wariye Ismaaciil Yuusuf(fantastic) oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Radio Walaweyn ayaa saakay waxaa tegay hooygiisa Ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa dowladda,iyaga oo  watay.

 

Agaasimaha Radio Walaweyn Ismaaciil Mire ayaa sheegay in si rasmi ah aysan u xaqiijin karin halka ay ka yimaadeen ciidamada gurigiisa kala baxay Wariyaha balse ay xiriir la sameeyeen saraakiisha ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Ehelada Wariyaha qaarkood oo aan la hadalnay ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay ka walwalsan yihiin halka lala aaday wiilkooda iyo ciidamada gurigiisa ka watay.

Like it? Share it!

Leave A Response