DEG DEG:- Al-Shabaab oo Goordhow la wareegay degmada Balcad

by admin | Monday, Mar 18, 2019 | 872 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa  warbaahinta waxay  u sheegeen in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen,isla markaana uu dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay inta badan la wareegeen degmada,isla markaana ciidamada Dowladda isaga baxeen,waxana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis farabadan oo ku xirneyd.

Like it? Share it!

Leave A Response