Deg-deg: Al-shabaab oo sheegtay Qaraxyadda iyo Weerarka Muqdisho ka dhacay

by admin | Saturday, Jul 7, 2018 | 1321 views

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Weerar toos ah  iyo Qaraxyo  ka dhacay magaaladda Muqdisho.Al-shabab waxaa ay sheegteen in ay Weerarka la beegsadeen Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga islamarkaana koox hubeeysan oo ka tirsan ay gudaha dhismaha u daateen.

Kooxdu ma aysan sheegan khasaaraha ay Dagalamayaashoodu geeysteen.

Al-shabaab ayaa fuliya weeradda ugu badan ee ka dhaca magaaladda Muqdisho iyo Goboladda dalka, waxaana ugu darnaa weeradda Al-shabaab ee Soomaaliya midkii dhacay 14 kii October ee Sanadkii hore oo ay ku dhinteen dad badan 512 Qof, dad intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response